Maarso 1, 2022
Xaafadaha Xaafada Rainier Beach:
Guriyeenta Mt. Baker (Mt. Baker Housing) ayaa soo iibsatay oo dib-u-dhisi dhul ah ku dhawaad 3.3 hektar ee ku yaala koonfurta-bari ee Saldhiga Tareenka Fudud ee Rainier Beach (Rainier Beach Light Rail Station) ee ku taala goobta 9236 Renton Ave S. Soo iibsashadan waxaa ku jira Xaruntii hore ee Daaweynta ee Thunderbird (former Thunderbird Treatment Center), xarunta daaweynta cillada isticmaalka daroogada ee bukaan-jiifka oo ay horey u lahaayeen Seattle Indian Health Board. Waxaan hadda ku magacaabnay mashruuca “Thunderbird” inta aan ku jirno wejiyada hore ee qorshaynta.
Mashruucan waxaa ka mid noqon doona dhowr dhisme oo dherer-gaaban oo u yaala qaab jardiin ee bulsho guriyeen qoys oo ah ku dhawaad 233 shaqooyin/units. Bulshada waxay u adeegi doontaa dadka helaya 60% Dakhliga Dhexdhexaadka ee Goobta, oo hadda u dhiganta $71,640 ee qoys ka kooban afar qof ee gudaha Seattle. Qorshaha hadda ah ee mashruuca wuxuu ku baaqayaa isku jir ah shaqooyin istuudiyooyo ah, 1 qol jiif ah, 2 qol jiif ah, 3 qol jiif ah, iyo 4 qol jiif ah, oo ku dhawaad 50% ee shaqooyinka ay yihiin cabirka qoys ahaaneed. Mashruuca kuma jiri doonaan goob ganacsi laakiinse waxaa ku jiri doona dhisme dhexe oo leh qol bulshadeed, meel weyn oo la dhigto gawaarida, iyo goob banaanka ah ee ciyaarta ee loogu talagalay deganeyaasha.
Soo iibsashada mashruuca waxaa qayb ahaan lagu maalgaliyay lacagaha soo iibsiga (acquisition funds) oo ay bixisay Magaalada Seattle, Xafiiska Guriyeynta (City of Seattle, Office of Housing.) Guriyeynta Mt Baker (Mt Baker Housing) ayaa wali ka go’an bixinta guryo la awoodi karo iyo sidoo kale goobab noolasha ee jawi caafimaadeed leh gudaha koonfurta-bari ee Seattle. Waan soo dhawaynaynaa oo waan ka mahadcelineynaa fikradaha iyo dhiirigelinta dadka xaafada. Guriyeenta Mt. Baker (Mt. Baker Housing) waxay ku faraxsantahay helida fursad kale oo ay ugu keeneyso guriyeen sii badan ee la awoodi karo oo loogu talagalay xaafadaha Koonfur-bari ee Seattle (Southeast Seattle neighbors).
Haddii aad wax su’aalo ah ka qabtid mashruucan xiisaha leh, fadlan ha ka gaabsan inaad kala soo xiriirto Alisha Dall’Osto imaylka [email protected] ama lambarka 206-712-1519. Kulan bulshadeed ee Virtual ah/internetka ah ayaa la qaban doonaa: July 21, 2022 @ 7p-8pm. Intaas waxaa sii dheer, haddii aadan awoodin inaad ka soo qeyb gasho kulanka bulshadeed ee virtual-ka ah/internetka ah, Waa kan xiriiriye/linki laga helayo sahankeena horumarinta mashruuca si aan u helno fikradahaaga iyo ra’yi bixintaada ee horumarintan: https://bit.ly/3Otd26n. Fadlan sidoo kale ogow in wixii macluumaad ee la uruuriyo lagi dhigi karo wax bulshada u furan. Waxaad sidoo kale ka akhrisan kartaa oo ka heli kartaa dhammaan wixii cusboonaysiin ah iyo wakhtiyada kulanada hawl-galinta bulshada iyo goobaha la xiriira horumarintaan: https://mtbakerhousing.org/comment_forms/newhousing/
Salaan Diiran,
Alisha Dall’Osto
Guriyeenta Mt. Baker (Mt. Baker Housing)
**Community Meeting Date & Time: Jul 21, 2022 07:00 PM Pacific Time (US and Canada)**
Development: “9236 Renton Ave S, Seattle, WA” COMMUNITY MEETING
Join Zoom Meeting
https://us02web.zoom.us/j/85180175786?pwd=uO7L2UzRSoRaNesrThMcmgowMIQQ41.1
Meeting ID: 851 8017 5786
Passcode: 851816