Ogosto 16, 2023
Gacaliye Deriska Rainier Beach:
Mt. Baker Housing Association (MBHA) waxay iibsatay goob cabirkeedu yahay 53,000 SF ee ku taala 4215 S. Trenton Street, ka soo horgeedka Saldhiga Tareenka Khafiifka ah ee Rainier Beach (Rainier Beach Light Rail Station), iyada oo ay la socoto Maalgelinta Iibsashada ee Xafiiska Guriyeynta ee Seattle (Seattle Office of Housing) iyo Barnaamijka Iibasashada Dhul ee Guddiga Maaliyadda Guriyeynta ee Washington (Washington Housing Finance Commission’s Land Acquisition Program). MBH waxay dhawaan bilawday hab-waxqabad naqshadayn barbar socod ah iyada oo la kaashanaysa Xarunta Tubman ee Caafimaadka iyo Xoriyada (Tubman Center for Health and Freedom) si ay u sameyso dhisme guryo dabaq ah oo qoysas badan loogu talagalay oo la awoodi karo oo ku agyaala xarun caafimaad bulshadeed.
MBH waxay dhisi doontaa dhismo ah guryo dabaq ah oo tiradoodu tahay 170+ guryo oo eh ugu yaraan 281 qolal-jiifeed, oo loo qoondheeyay qoysaska kasbada 50% iyo 60% ee Dakhliga Dhexdhexaadka ah ee Goobta iyo ka hooseeya. MBH waxay naqshadeynteeda mudnaanta siineynaa baahiyaha qoysaska weyn ee ka kooban jiilal badan iyadoo ay ugu yaraan 40% ee guryaha ay yihiin guryo leh labo iyo saddex qolal-jiifeed iyo naqshadeynta tashiilaat/adeegyo gudaha goobta ooo gudaha iyo dibada ah oo la heli karo, oo u furan dhammaan deggenayaasha. Qorshaha hadda ah waxaa ku jira baarkin (goob gaari-dhig) dhulka hoostiisa ah iyadoo ujeedadu tahay in la daboolo baahiyaha gaadiidka ee qoysaska ugu waaweyn. MBH waxay ku faraxsan tahay fursadda ay ku xiriirin karto deganayaasha iyo deriska bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka iyo barnaamijyada fayoqabka ee la bixiyo iyadoo loo maraya Tubman Health.
Si boos loogu sameeyo xarunta caafimaadka, MBH waxay ka dhisi doontaa dhismo guryo dabaq ah oo ka kooban 12 dabaq qaybta goobta loo qoondeeyay dhererka 125′. Tubman Health waxay iibsan doontaa qayb ka mid ah dhinaca galbeed ee goobta, oo loo qoondeeyay 55′, iyada oo la qorsheynayo in laga dhiso dhismo si-xor-ah-u-taagan ee adeegyada daryeel caafimaad iyo tababar shaqo oo ay leedahay-iyo-ay-hogaaminayso-bulshada dadka madow oo ah saddex-dabaq, oo leh baarkin (goob gaari dhig) dhulka hoostiisa ah. Dhismaha Tubman Health waxa la filayaa inuu bilaabmo 2024 oo waxaa loo naqshadayn doona, loo maalgelin doonaa, oo loo shaqo-gelin doonaa si ka duwan dhismaha guryaha dabaqa ah. MBH waxay doonaysaa inay bilawdo dhismaha guryaha dabaqa ah dabayaaqada 2025. Macluumaad waxaa laga heli karaa Bortalka Adeegyada Seattle (Seattle ServicePortal): https://cosaccela.seattle.gov, adoo baaraya diiwaanka: 3039497-LU
Fadlan nagu soo biir kulan ka mid kulammadeena bulshadeed ee soo socda ee ka dhacaya Maktabadda Dadweynaha ee Rainier Beach (Rainier Beach Public Library) si aad wax uga maqasho mashruuca oo aad u wadaagto ra’yigaaga ku saabsan naqshadeynta dhismaha guryaha dabaqa ah.
Taariikhda Kulanka: | Wakhtiga: | Goobta: |
KHAMIISTA Ogosto 31, 2023 | 2:00-3:30 galabnimo | Rainier Beach Public Library |
KHAMIISTA Ogosto 31, 2023 | 6:00-7:30 fiidnimo | 9125 Rainier Ave. S. |
SABTIDA Setembar23, 2023 | 12:30-2:00 duhurnimo | Seattle, WA 98118 |
Waxaan jeclaan lahayn inaan maqalno su’aalahaaga, faallooyinkaaga, iyo fikradahaaga si looga dhigo mashruucan mid guulaysta.
Booqo websaydka mashruuceena: https://mtbakerhousing.org/comment_forms/trenton-english/
Waxaad buuxin kartaa sahanka naqshadeynta guriyeenta ee onlaynka ah adiga oo iskaan-gareenaya koodka QR ama isticmaalaya xiriiriyaha hoose.
https://forms.office.com/r/qSXv0epvUF
Haddii aad wax su’aalo ah qabtid, fadlan la xiriir Alisha Dall’Osto, Maamulaha Sare ee Mashruuca ee Mt. Baker Housing Association: [email protected].
Mahadsanidiin,
Mt. Baker Housing Association (Ururka Guriyeenta ee Mt. Baker)
Submit Community Feedback